Madaxweynaha Kooxda Atletico Madrid ee Cerezo ayaa xaqiijiyay in ay chelsea iska diiday fursadii ay qaab toos ah ugula wareegi lahayd xiddiga João Félix.
Xiddiga João Félix ayaa qaab amaah ah kula joogay kooxda chelse qaybtii dambe ee xilli ciyaareedka waxana uu ku biiray suuqii January.
Xiddiga reer Portugal ayaa marar badan sheegay in uu doonayo in uu qaab toos ah ugu biiro kooxda chelsea suuqa kala iibsiga xagaaga.
Lakiin Tababaraha cusub ee chelsea Pochettino ayaa go’aansaday in uuna si toos ah ula wareegin xiddiga reer Portugal suuqa xagaaga.
“Waxaa nalagu wargeliyay in Pochettino Joao Felix ka doonayn chelsea”ayuu yidhi madaxweynaha Atletico.
“Halkan ayuu ku soo laaban doonaa, waan arki doonaa… waxba ma qorsheyneyno”, madaxweynaha Atlético Cerezo ayaa xaqiiqjiyay.

Related



Source link