Ku dhawaad xiddigo badan ayaa laga yaabaa in ay isaga tagaan kooxda chelsea suuqa kala iibsiga xagaaga iyada oo Mauricio Pochettino bilaabanayo xunkiisa kooxda chelsea.
Pochettino ayaa la shaaciyay Isniintii in uu noqday tababaraha cusub ee kooxda chelsea waxana uu shaqadiisa bilaabi doonaa 1 bisha July ee soo socota.
Sida laga soo xigtay Evening Standard, tababaraha ayaa qorshaynaya in uu xiddigo badan ka diro kooxdiisa ka hor inta uuna bilaaban shaqadiisa bisha soo socota.
Chelsea ayaa lagu soo waramayaa in ay doonayso in ay iska iibiso ugu yaraan 12 xiddig inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaaga.
Xiddigaha Perre-Emerick Aubameyang, Ruben Loftus-Cheek, Marc Cucurella, Edouard Mendy, Christian Pulisic, Hakim Ziyech, Kovacic, Mount, Cesar Azpilicueta & Kai Havertz ayaa ka mid ah xiddigaha uu Pochettino iska dirayo.

Related



Source link