Wararka ku saabsan ka tagista Karim Benzema ee Real Madrid ayaa bilaabay inay sii kordhaan saacadihii la soo dhaafay, ilo-wareedyo badan oo saxafada ayaa xaqiijinaya in laacibku uu si dhab ah uga fiirsanayo dalabka soo jiidashada leh ee uu ka helay koox ka dhisan Saudi League.
Karim Benzema, oo 35 jir ah, ayaa heshiis kula jira Real Madrid inuu si toos ah qandaraaska u cusbooneysiiyo xilli ciyaareed kale, laakiin sidoo kale wuxuu xaq u leeyahay inuu ka tago kooxda inta lagu jiro xagaaga.
Dhinaca kale, Real Madrid ayaa bilawday inay ka fikirto nolosha ka dambaysa Real Madrid waxana ay suuqa ugu jirtaa saxiixa weeraryahano kale oo badal u ah xiddiga reer France.
Inkasta oo ay arintu u muuqato mid fudud marka la eego in uu Benzema gaadhi doono halkii ugu dambaysay ee awoodiisa jidh ahaaneed hadaan waxa jiri doonta dhibaato uu sababi karo bixitaanka xiddiga ee kooxda Real Madrid.
Real Madrid waxay u baahan tahay laba weeraryahan ee maaha hal weeraryahan:
Dhibaatada koowaad ayaa ah baahida loo qabo in la soo saxiixdo laba weeraryahan xagaagan, weeraryahanka koowaad waa midkii la rabay inuu caawiyo Karim Benzema xilli ciyaareedka soo socda, sida Roberto Firmino ama Joselu iyo weeraryahanka kale ee u imaan doona inuu bedelo xiddiga reer France, waana halka ay dhibaatadu ka bilaabanayso.
Real Madrid kuma tiirsanaan karto Firmino ama Joselu xilli ciyaareedka soo socda, sidaas darteed kooxdu waxay raadin doontaa inay la soo wareegto weeraryahan heerka koowaad ah, si aysan ugu dhibaatoon dhinaca weerarka waxana jira xiddigo lala xidhiidhinayo oo ay ka mid yihiin Harry Kane. Lautaro Martinez iyo Julian Alvarez
Dhibaatada magacyadan ayaa ah in ay Real Madrid ku bixin doonto lacago aad u badan, maadaama ay koox kasta dalban doonto wax ka badan 80 milyan oo euro si ay u fasaxdo xiddigohooda taasina waxa ay dhibaato ku noqon doontaa Real maadama ay haatan 100 milyan ka bixinayso xiddiga khadka dhexe ee Jude Bellingham.
Fikradda ayaa ah in Real Madrid ay dejiso miisaaniyadeeda suuqa kala iibsiga, waxaana loo qoondeeyay Fran Garcia, Jude Bellingham, waxana jira boosas kale oo ay kooxdu u baahantahay in ay xoojiso sida daafaca garabka midig iyo waliba khadka dhexe.
Ka Waran Riyadii Real Madrid Ee Saxiixa Haaland ama Mbappe?
Qorshaha mustaqbalka ee Real Madrid ayaa ah in ay la soo saxiixdaan Kylian Mbappe ama Erling Haaland kadib wakhtiga Karib Benzema laakiin kooxda ayaan labadooda midna u dhaqaaqi karin maadama ay arintaas u dhigteen suuqa xagaaga 2024.
Laakiin bixitaanka Benzema ee haatan, waxay Real Madrid ku qasbi doontaa in ay kooxda ku soo daraan weeraryahan tusaale ahaan Harry Kane ama xiddig kale taasina waxa ay hor istaagi doontaa mashruuca kooxdu ka damacsantahay saxiixa xiddigaha Haaland ama Mbappe ee xagaaga dambe.
Karim Benzema ma ahan weeraryahan dhaqameed:
Marka laga reebo dhibaatooyinka maamul iyo dhaqaale ee ka dhalan doona bixitaankii xiddiga reer France, waxaa sidoo kale jira caqabado dhanka ciyaaraha ah ma fududa in ciyaaryahan lagu badalo tayada Benzema maadama uu xiddigu wax walba ka dhex qabto garoonka dhexdiisa isla markaas uuna ahayn xiddig weerar kaliya ku eeg.
Karim Benzema, inkastoo uusan ka soo muuqan heerka ugu macquulsan xilli ciyaareedkan, laakiin xitaa heerka uu joogo waxa uu aad uga faa’iideystaa nidaamka weerarka Real Madrid, marka laga reebo saameynta uu ku leeyahay asxaabtiisa kale marka uu garoonka ku jiro. waa waxyaabo aan lagu iibsan karin lacag.
Ma jiraa weeraryahan  dammaanad qaaday inuu ku guuleysanayo Real Madrid?
Marka laga reebo Haaland iyo Mbappe ma jiro weeraryahan Real Madrid laga soo iibsan karo oo dammaanad qaadi kara guushiisa, tusaale ahaan Harry Kane waligiis laguma arag isagoo ka ciyaaraya meel ka baxsan Tottenham, guud ahaan Real Madrid ayaa khibrad xun u leh ciyaartoyda Ingiriiska iyo waliba in uu yahay xiddig da’weyn.
Tusaale ahaan haddii aan u gudubno magacyo kale sida Victor Osimhen, tusaale ahaan, Napoli ma ogolaan doonto bixitaankiisa hadii ayna bixin lacag dhan 120 milyan oo euro, marka laga yimaado qiimaha ma jirto wax damaanad qaadaya in uu u ciyaari doono heerka ugu sareeya marka uu kooxda yimaado ama uu qaban karo shaqada cajiibka ah ee uu Benzema u qabto kooxda.

Related



Source link