Waxa la soo afjaray xilli ciyaareedka premier League 2022/2023 iyada oo shalay la ciyaaray kulamadii ugu dambeeyay.
Waxa la soo gaba-gabeeyay xilli ciyaareed xiiso lahaa oo la soo ciyaaray kulamo aad u loogu riyaaqay iyada oo ay kooxo badan is muujiyeen.
Waxa sidoo kale si weyn hoos ugu dhacay kooxo la filayay in ay si weyn u sareeyaan halka kooxo yar-yar ka yaabsadeen adduunka.
Hadaba waxa aan halkan ku soo bandhigi doonaa xaqiiqooyinkii iyo wixi laga bartay xilli ciyaareedka premier League.
1.Harry Kane ayaa dhaliyay 30 gool premier League, waana xiddigii 2-aad ee taariikhda premier League dhaliya 30 gool iyo wax ka badan xilli ciyaareedyo badan kadib Alan Shearer.
2.Kooxda Brentford ayaa noqotay kooxdii 5-aad ee laba guul ka gaadha horyaalka koox uu Pep Guardiola hogaaminayo taariikhda tababaraha.
3.Xiddiga Harry Kane ayaa dhaliyay goolasha ugu badan taariikhda premier League maalinta ugu dambaysa isaga oo dhaliyay 11 gool.
3.Arsenal ayaa dhigtay rikoodh cajiib ah oo kooxdeeda ah kadib markii ay dhaliyeen 88 gool horyaalka premier League xilli ciyaareedkan waxana ay jabiyeen isla rikoodhkii ay iyagu dhigeen xilli ciyaareedkii 2004/2005 markaas oo ay dhaliyeen 87 gool.
4.Xilli ciyaareedka horyaalka Prmeier League 2022/2023 ayaa noqday xilli ciyaareedkii laga dhaliyay goolasha ugu badan iyaga oo laga dhaliyay 1084 gool.

Related



Source link