Waxa si Rasmi ah loo soo afjaray xilli ciyaareedka 2022/2023 waxana soo dhamaaday xilli ciyaareed xiiso iyo xamaasad lahaa.
Waxa jira kooxo so bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah halka ay sidoo kale jiraan kooxo si weyn u fashilmay marka loo bar-bar dhigo xilli ciyaareedkii hore.
Xiddigaha Premier League ayaa jira qaar soo bandhigay qaab ciyaareed heer sare ah tan ilaa bilowgii xilli ciyaareedka.
Xiddigahaas ayaa kooxohooda ka caawiyay guulo muhiim ah iyo in ay meel fiican kaga dhamaystaan horyaalka halka ay qaar kale kooxohooda ka caawiyeen in ayna hoos ugu dhigin meel ka xun meesha ay ku dhamaysteen.
Kadib dhamaadka xilli ciyaareedka shabakada Sportsmole ayaa soo saartay shaxda ugu fiican xilli ciyaareedka premier League ee la soo afmeeray.
Kooxda Man City ee ku guulaystay horyaalka ayaa shaxda ku leh xiddigaha ugu badan iyaga oo ku leh 3 xiddig.
Kooxaha Arsenal Iyo Liverpool ayaa dhinacooda shaxda ku leh min 2 xiddig halka ay kooxaha Tottenham, Brentford, Brighton & Newcastle shaxda ku leeyihiin min hal xiddig.

Related



Source link