Waxa fooda inagu soo haya suuqa kala iibsiga xagaaga iyada oo kooxuhu isu diyaarinayaan in ay suuqa u galaan xoojinta kooxhooda si ay ugu diyaar garoobaan xilli ciyaareedka cusub.
Iyada oo suuqu furmi doono bisha dambe kooxaha ayaa isku diyaarinaya in ay haatanba bilaabaan dadaalda ay saxiixyada ay doonayaan in ay ku xoojiyaan kooxohooda.
Kooxda Barcelona ayaa doonaysa saxiixa xiddiga khadka dhexe ee kooxda Newcastle ee Bruno Guimaraes laakiin waxa ay u baahantahay in ay bixiso 100 milyan si ay ugu qanciso Newcastle in ay iibiso xiddiga (Times).
Real Madrid ayaa go’aansatay in ay u dhaqaaqdo saxiixa xiddiga kooxda Liverpool ee Roberto Firmino kaas oo xor noqonaya suuqa xagaagan (Fabrizio Romano).
Xulka qaranka Brazil ayaa wali ku rajo qaba in ay heli doonaan tababare Carlo Ancelotti si uu u noqdo tababarohooda cusub (Athletic).
Kooxda Liverpool ayaa kaliya 26 milyan kula saxiixan karta xiddiga khadka dhexe ee kooxda Lazio ee  Sergej Milinkovic-Savic (Calciomercato).
Rajada Man United ee saxiixa xiddiga Napoli ee Kim Min-jae iyo Victor Osimhen ayaa kor u kacday kadib markii uu Tababare Spalleti ka tagay kooxda (Givemesport).
Xiddiga Alexis Sanchez ayaa doonaya in uu ku soo laabto premier League kadib markii uu horay ugu soo ciyaaray Man United iyo Arsenal (Sun).
Manchester United ayaa diyaar u ah inay dalab 130 milyan euro ka gudbiso weeraryahanka Napoli Victor Osimhen xagaagan (Corriere dello Sport).
Chelsea, oo sidoo kale doonaysa saxiixa Osimhen halka ay sidoo kale doonayso saxiixa xiddiga kooxda Juventus ee Dusan Vlahovic (ESPN).
Liverpool ayaa dalab ka gudbisay daafaca kooxda Barcelona ee Jules Kounde kaas oo Camp Nou lagu qiimeeyo 80 milyan oo euro (El Nacional).
Tababaraha Manchester City Pep Guardiola ayaa la xiriiray Neymar laakiin lama filayo inuu u dhaqaaqo weeraryahanka Paris Saint-Germain (L’Equipe).
Real Madrid ayaa aad u doonaysa in ay Brahim Diaz ku soo celiso kooxdeeda kowaad kadib markii uu soo idlaaday amaahdii wacnayd ee uu kula joogay AC Milan (Defensa Central).
Paris Saint-Germain ayaa isha ku haysa inay Ousmane Dembele kala soo wareegto Barcelona, ​​iyadoo 50 milyan oo euro lagu burburin karo qandaraaska xiddiga reer France xagaagan (L’Equipe).
Si kastaba ha ahaatee, Dembele ayaa doonaya inuu sii joogo Barcelona, ​​waxaana laga yaabaa inuu dhawaan saxiixo qandaraas cusub (Sports).
Xiddiga Kylain Mbappe ayaa qirtay in uuna meelna uga socon kooxda PSG suuqa kala iibsiga xagaagan (L’Equipe).
Xiddiga khadka dhexe ee kooxda Borussia Dortmund ee Jude Bellingham ayaa macasalaameeyay kooxda Dortmund ka hor inta uuna ku biirin Real Madrid (Sun).
Kooxda Bayern Munich ayaa laga yaabaa in ay shaqada ka caydhiso Thomas Tuchel inkasta oo uu kooxda kula guulaystay horyaalka Bundesliga (Sun).
Aabaha Alexis Mac Allister ayaa ku sugan Magaalada Liverpool si uu u dhamaystiro heshiiska uu xiddigu ugu biiray Liverpool (Evening Standard).

Related



Source link