Koox ajnabi ah oo aan magaceeda la shaacin ayaa lagu soo waramayaa inay dalab Rasmi ah ka gudbisay saxiixa xiddiga kooxda Liverpool ee Fabio Carvalho.
20-sano jirkaan ayaa xagaagii u dhaqaaqay Anfield sannadkii hore ka dib markii uu magac ku yeeshay Fulham, isagoo si toos ah gacan uga geystay 18 gool oo Championship ah xilli ciyaareedkii 2021-22 si uu Cottagers dib ugu soo celiyo Premier League.
Liverpool ayaa bixisay 5.1 milyan ka bixisay xiddiga si ay u keento Merseyside, xiddiga xulka qaranka Portugal ee 21 jirada ayaa markii hore soo bandhigay qaab ciyaareed fiican, isagoo dhaliyay kulamo xiriir ah oo ay la yeesheen Bournemouth iyo Newcastle United bishii August.
Si kastaba ha ahaatee, Carvalho ayaa wixii intaa ka dambeeyay ku dhibaatooday in uu wax kulamo ah u ciyaaro kooxda isaga oo kaliya ciyaaray 6 daqiiqo kulankii Leicester City.
Weeraryahanka dhashay 2002 ayaa qandaraas kula jira kooxda Jurgen Klopp afar sano oo kale, laakiin sida uu qabo khabiirka suuqa kala iibsiga ee Fabrizio Romano, Liverpool ayaa heshay dalab Rasmi ah oo looga doonayo xiddiga.
Ma cadda halka ay kooxdu ka dhisan tahay iyo dalabka laga soo gudbiyay iyo waliba in ay Liverpool go’aan ka gaadhay mustaqbalka xiddiga.
Related