Weeraryahanka muranka badan ee Mario Balotelli ayaa qarxiyay arin kale oo lama filaan ah kadib markii uu kala doortay xiddigaha  Victor Osimhen Iyo Erling Haaland.
Xiddiga Balotelli Ayaa ka mid ah xiddigaha ugu fiican ee soo maray taariikhda isaga oo dhaliyay goolal badna kuna guulaystay koobab badan xirfadiisa ciyaareed
Haaland ayaa wacdaro ka dhigay xilli ciyaareedkan isaga oo dhaliyay wax ka badan 50 gool tartamada oo dhan waxana uu kooxdiisa kula guulaystay koobka premier League.
Dhanka kale Osimhen ayaa dhinaciisa wacdaro ka dhigay horyaalka Talyaaniga waxana uu kooxdiisa Napoli kula guulaystay horyaalka Talyaaniga xilli ciyaareedkan.
“Erling (Haaland) waa wax aan caadi ahayn. xogtiisa ayaa kuu sheegaysa, waa weeraryahan aad u fiican wakhti xaadirkan laakiin anigu dookhayga ayaan ka hadlayaa”ayuu Balotelli Yidhi.
“(Victor) Osimhen, tusaale ahaan, waa mid gaar ah. Waxa uu wax walba ku sameeyaa gudaha garoonka,waxana uu i xasuusiyaa naftayda waayihii wacnaa inyar,inkasta oo uu isagu yahay mid nafsad ahaantiisa gaar u ah.”

Related



Source link