Rio Ferdinand ayaa aaminsan in Manchester United ay soo qaadatay xilli ciyaareed ka fiican Midka Arsenal inkasta oo ay Gunners ku dhawaatay ku guulaysiga premier League.
Arsenal ayaa horyaalka premier Legaue hogaaminaysay 247 maalin waxana ay u muuqatay in ay soo afjarayaan 19-kii sano ee ay sugayeen ku guulaysiga horyaalka premier League ka hor inta ayna bur-burin oo ayna kaliya 2 kulan badin 8-dii kulan ee ugu dambaysay.
Taas ayaa Man City ka caawiysay in ay ku guulaysato horyaalka xilli ciyaareedkii 3-aad oo xidhiidh ah.
United ayaa dhankeeda u soo baxday champions League xilli ciyaareedka dambe mar horena ku guulaystay League cup-ka halka ay joogto final-ka tartanka FA Cup-ka.
Ferdinand ayaa aaminsan in koobabka ay Man United ku guulaystay ay la macno tahay in ay Man United soo qaadatay xilli ciyaareed ka fiican Arsenal.
“Man United waxa ay u soo baxday champions League, waxa ay ku guulaystay koob halka ay mid kale final gaadhay sidaas darteed waxa aan odhan karaa United ayaa soo qaadatay xilli ciyaareed ka fiican Arsena”ayuu Ferdinand yidhi.

Related



Source link