El Mattino ayaa maanta soo wariyay in daafaca reer Senegal Kalidou Koulibaly uusan meesha ka saarin fikradda ah inuu mar kale ku laabto Napoli ka dib xilli ciyaareedkiisii ​​​​ugu horreeyay ee uu la qaatay chelsea.
Kalidou Koulibaly ayaa ka tagay Napoli xagaagii waxana uu u dhaqaaqay kooxda chelsea laakiin xiddiga ayaa ku dhibaatooday in uu la qabsado kooxda.
Xiddiga Kalidou Koulibaly ayaa lagu bedelay daafaca Kuuriyada Koonfureed Kim Min-jae, kaasoo qaab ciyaareed fiican soo bandhigay haatana lala xidhiidhinayo kooxda Man United.
Sida laga soo xigtay warbaahinta, Koulibaly ayaa ka fikiraya in uu ku laabto kooxda reer Italy xilli ayna Napoli meesha ka saarin in ay dib ula wareegi karto xiddiga.
Napol ayaa laga yaabaa in ay dib u soo ceshato xiddiga Koulibaly hadii uu xiddiga Kim ka tago kooxda kuna biiro kooxda Man United waxana laga yaabaa in ay qaab amaah ah kula wareegaan xiddiga.
Wax kasta oo dhaca waxay ku xirnaan doontaa go’aanka tababaraha soo socda ee reer Argentine Mauricio Pochettino kaas oo dhawaan soo saari doona liiska ciyaartoyda aan loo baahnayn ee kooxda ka dhisan London.

Related



Source link