Bayern Munich ayaa si cajiib ah u hanatay horyaalka Bundesliga xilli ciyaareedka 2022/2023 kadib markii ay badiyeen kulankoodii ugu dambeeyay isla markaas Dortmund dhibco lumisay.
Markii ay sidaas sameeyeen, waxay meel xun ku rideen kooxda Arsenal marka laga hadlayo tartanka champions League xilli ciyaareedka dambe.
Hadii ay Dortmund ku guulaysan lahayd horyaalka Bundesliga Arsenal ayaa ku jiri lahayd Pot2 marka la samaynayo wareega Group-yada tartanka champions League xilli ciyaareedka dambe.
Laakiin maadama ay Bayern Munich ku guulaystay horyaalka Bundesliga waxa ay la macno tahay in ay Arsenal gali doonto Pot3 isla markaas ka bixi donto Pot2.
Kooxda Dortmund ayaa gali doonta kooxda Arsenal ee Pot2 maadama ay Arsenal muddo 7 sano ah ka maqnayd tartanka champions League.
Arintan ayaa la macno ah in ay Arsenal wareega Group-yada gali karto Group adag oo ay ku jiraan 2 ka mid ah kooxaha ugu waaweyn qaarada yurub.
Related