Liverpool ayaa ku fashilantay in ay u soo baxdo champions League xilli ciyaareedka dambe waxana ay taageerayaal badan is waydiinayaan meesha ay wax ka khaldameen.
Reds ayaa xilli ciyaareedkii hore ku tartamaysay dhamaan koobabka ay ka qayb galaysay laakiin xilli ciyaareedkan waxa uu qaab ciyaareedkoodi si weyn hoos ugu dhacay.
Ugu dambayn Reds ayaa ka hadhay champions League waxana ay ka qayb gali doontaa tartanka champions League xilli ciyaareedka dambe.
Hadaba warbixintan waxa aan ku soo bandhigi doonaa sababihii ka dambeeyay ee ay Liverpool u soo bixi waydo champions League.
Suuqii Xagaaga Oo Fashilmay:
Markii uu xilli ciyaareedkii hore dhamaaday waxa si weyn loo filayay in ay Liverpool xoojiso boosaska ay aadka ugu baahantahay gaar ahaan khadka dhexe.
Liverpool ayaa samaysay aaxiixyada Fabio Carvalho & Calvin Ramsay oo da’yar ah iyo waliba Nunez oo ay lacag badan kagala soo wareegeen kooxda Benfica.
Laakiin dhibaatada Liverpool ayaa sanadihii dambe ahayd khadka dhexe sidaas darteed waxa uu Klopp iska indho-tiray xoojinta khadka dhexe taas oo keentay in ay Liverpool ku dhibaatooto booskaas kaas oo sabab u ahaa fashilka Reds ee champions League.
Si Xun oo ay ku bilaabatay xilli ciyaareedkan:
Kadib markii ay 90 dhibcood kor u dhaaftay 3-dii xilli ciyaareed ee ugu dambeeyay, Liverpool ayaa kaliya ku guulaystay premier League iyo champions League.
Xilli ciyaareedkii hore Liverpool ayaa ku guulaystay FA Cup-ka iyo League cup-ka xilli ciyaareedkii hore waxana la filayay in ay mar kale u tartamaan premier League.
Laakiin Liverpool ayaa ku bilaabatay xilli ciyaareedka si xun o aan la filayn iyada oo natiijooyin xun ka helay bilowgii xilli ciyaareedka.
Kaadhkii casaa ee Darwin Nunez:
Kadib markii uu goolal dhaliyay 2-dii kulan ee ay Liverpool la ciyaartay Man City iyo Fulham, Nunez ayaa la filayay in uu shido premier League laakiin waxa uu kaadh cas qaatay kulankiisii ugu horeeyay ee Anfield premier League kadib markii uu madax ku dhuftay xiddig Crystal Palace ah.
Arintaas ayaa keentay in uu Nunez seego 3 kulan oo xidhiidh ah taas oo joojisay in uu sii wado qaab ciyaareedkii fiicnaa ee uu ku bilowday sidaas darteed waxa uu wixii intaas ka dambaysya ku dhibaatooday in uu qaab ciyaareed fiican soo bandhigo.
Dhaawacii Diaz:
Qaab ciyaareedka xun ee bilowgii xilli ciyaareedka waxa sii xumeeyay dhaawac Luis Diaz kaas oo si fiican ku bilowday xilli ciyaareedka laakiin waxa uu dhaawacmay kulankii ay guuldarada kala kulantay Arsenal bishii October.
Dhaawacaas ayaa keentay in uu Diaz garoomada ka maqnaado ilaa kadib koobkii adduunka waxana ay kooxdu ku dhibaatootay kulamadii badnaa ee ay ciyaaray.
Dhaawacii Jota:
Sida Diaz, maqnaanshaha Jota ayaa dhib weyn ku noqotay Klopp, xiddiga reer Portugal ayaa dhaawac ku seegay bilowgii xilli ciyaareedka waxana uu u soo laabtay garoomada hadana waxa uu mar kale dhaawacmay taas oo keentay in uu seego koobkii adduunka.
Fashilkii suuqii January:
Inkasta oo ay kooxdu si weyn ugu dhibaatootay khadka dhexe lana filayay in ay kooxdu suuqa u gasho xoojinta khadka dhexe hadana Liverpool ayaa mar kale suuqii January iska indho-tirtay in ay xoojiso kooxda.
Liverpool ayaa sii waday natiijooyinkii xumaa waxana uu klopp iska diiday in uu khadka dhexe ka xoojiyo kooxdiisa si uu u badbaadiyo qaybta dambe ee xilli ciyaareedka.
Related