Bayern Munich ayaa Ku guulaystay horyaalka Bundesliga markii 11-aad oo xiriir ah, waxaana ay ku garaacday kooxda Borussia Dortmund.
Kooxda Dortmund ayaa hogaanka u haysay Horyaalka waxana ay u baahnayd kaliya in ay ka badiso kooxda Main Laakiin waxa ay la gashay bar-baro 2/2 ah.
Bayern ayaa dhankeeda waxa ay garaacday kooxda Koln,waxana ay uga mahadcelineysaa gool soo daahay oo uu u dhaliyay Jamal Musiala—2-1.
Labada kooxoodba waxay ku dhamaysteen horyaalka isku dhibo laakiin Bayern Munich ayaa horyaalka u qaaday farqiga dhibaha oo ay ka badnayd Dortmund.
Ka dib markii ay xaqiijiyeen kaalinta koowaad, kooxda reer Jarmal ayaa u dhaqaaqi doonta Pot1 ee tartanka champions League iyaga oo la mid noqon doona kooxda Barcelona oo ku guulaystay horyaalka la liga xilli ciyaareedkan.
Arintaas ayaa la macno ah in ayna Barcelona la Group noqon doonin kooxda Bayern Munich marka la gaadho tartanka xilli ciyaareedka soo socda.
Related