Manchester City aya rajaynaysaa in ay bar-barayso rikoor 34-sano jir ah oo ay haysay Liverpool marka ay wajahdo Brentford maalinta Axada.
Ka hor todobaadka ugu dambeeya ee xilli ciyaareedka 2022-23, City ayaa mar hore xaqiijisatay horyaalka iyada oo ku garaacday Arsenal.
Tan iyo markii loo caleemo saaray horyaalka sabtidii hore, City ayaa 1-0 kaga badisay Chelsea, waxaana barbaro 1-1 ah la gashay Brighton & Hove Albion.
Iyaga oo labada todobaad ee soo socda la ciyaari doona Man United iyo Inter final-ka champions league iyo Fa cup Guardiola ayaa kulanka soo galaya isaga oo hal il ku haya kulamaadaas.
Si kastaba ha ahaatee, City ayaa kulanka ka dhacaya Gtech Community Stadium u soo galaysa iyaga oo fursad u hays4a in ay bar-barayso rikoor yaalay premier league tan iyo 1988-89.
Ma jirto koox 6 guul oo xidhiidh ah ka gaadhay Premier league kooxaha reer London
tan ilaa Liverpool oo sidaas samaysay 34 sano ka hor.
 
 

Related



Source link