Xiddiga diirada u saaran Manchester United Kim Min-jae ayaa bixiyay jawaab celin markii la weydiiyay hadii uu ka tagi karo Napoli xagaagan.
Daafaca dhexe ee South Korea, oo 26 jir ah, ayaa qayb muhiim ah ka ahaa kooxda Napoli oo xilli ciyaareedkan ku guulaysatay horyaalka Seria A, isaga oo kooxdiisa ka caawiyay in ay kor u qaado Scudetto markii ugu horaysay muddo 33 xilli ciyaareed ah.
Kim waxa uu kooxda reer Talyaani kaga soo biiray Fenerbahce xagaagii hore isagoo bedelay Kalidou Koulibaly, kaasoo u dhaqaaqay Chelsea.
Waxa uu ahaa mid ka mid ah xiddigaha ugu fiican horyaalka Talyaaniga waxana uu ku bilowday 34 ka mid ah 37-kii kulan ee ay Napoli ciyaartay.
United ayaa lala xiriirinayay inay u dhaqaaqi doonto daafaca dhexe, iyadoo warar kala duwan ay sheegayaan Kim heshiiskiisa lagu bur-burin karo lacag dhan 58 milyan oo euro xagaaga.
Wargayska Correire dello Sport ee ka soo baxa talyaaniga ayaa soo wariyay in daafaca uu ku biiri doono United isla marka ay kooxdu bixiso lacagta lagu bur-burin karo heshiiskiisa.
Barnaamij TV ah oo uu daadihiyay shaqsi caan ah oo reer Kuuriyada Koonfureed ayaa Kim waydiiyay kooxda uu ku biiri doono xagaaga.
Daafaca ayaa ku jawaabay”Wakiilkeygu waxa uu joogaa banaanka maqaayadda, weydii isaga”.

Related



Source link