Xiddiga kooxda Man City ee Erling Haaland ayaa loo magacaabay xiddiga ugu fiican horyaalka premier League xilli ciyaareedkan.
Haaland ayaa wacdaro dhigay xilli ciyaareedkiisii ugu horeeyay ee horyaalka premier League isaga oo kooxdiisa kula guulaystay horyaalka.
Erling Haaland ayaa loo doortay xiddiga ugu fiican xilli ciyaareedka kadib markii uu wacdaro dhigay xilli ciyaareedkiisii ugu horeeyay ee horyaalka.
Haaland ayaa abalmarinta ku mutaystay 36 gool oo uu ka dhaliyay horyaalka premier League isaga oo jabiyay rikoodhe badan oo horyaalka premier League.
Sidoo kale Haaland ayaa caawiye ka noqday 8 gool oo kale taas oo keentay in uu ku guulaysto abaalmarinta xiddiga ugu fiican.
Related