Jurgen Klopp ayaa shaaca ka qaaday in uu Mohamed Salah la wadaagayo niyad jabka kadib markii ay Liverpool wayday booskeeda Champions Leaque-ga laakiin waxa uu aaminsan yahay in ay jiraan sababo badan oo uu ku niyadsan karo ka hor xilli ciyaareedka soo socda.
Liverpool ayaa wayday booska champions League xilli ciyaareedka dambe kadib markii ay Man United guul ka gaadhay kooxda Chelsea kulan ka tirsanaa premier League.
Ciyaarta kadib Salah ayaa baraha bulshada soo dhigay fariin uu ku muujiyay niyad jabkiisa ku aadan fashilka Liverpool ee u soo bixista champions League xilli ciyaareedka dambe.
Markii wax laga weydiiyay hadalada Salah, Klopp wuxuu yiri jimcihii: ‘Waxaan xoogaa ka walwalsanahay cinwaannada aad abuuri doonto, markaas shaqo fiican qabta”.
“Dabcan, waqti ay sax tahay inaadan u soo bixin Champions League, xitaa markii aan ogaa ka dib kulankii ugu dambeeyay inay u baahan yihiin hal dhibic, aniga waxaa ii muuqatay inay heli doonaan dhibicdaas, sidaas darteed waxa aan xaqiiqsaday in ay heli doonaan booska laakiin waxa aan ahay qof mar walba rajo fiican laakiin markaas ma helin wax rajo ah”.
“Waqtigaas si toos ah ciyaarta ka dib wuu saxan yahay, ma ahan wakhti la diri karo rajo fiican laakiin maalmo kadib waxa aan arki doonaa farxad ku soo laaban doonta wajigeena”

Related



Source link