Xiddiga kooxda Liverpool ee Mohamed Salah ayaa ka fal celiyay fashilka Liverpool ee u soo bixista champions League xilli ciyaareedka Dambe.
Waxa la xaqiijiyay in ay Liverpool seegayso champions League xilli ciyaareedka dambe markii ugu horaysay intii uu Klopp la wareegay kooxda Liverpool.
Liverpool oo ku jirta qaab ciyaareed liita soo bandhigtay intii badnayd ee xilli ciyaareedka ayaa dib u heshay qaab ciyaareedkoodii fiicnaa laakiin waxa ay ku fashilmeen in ay aadaan champions League.
Kadib markii ay Man United xaqiiqsatay booska champions League Salah ayaa baraha bulshada kaga fal celiyay fashilka Liverpool ee champions League.
“Aad ayaan u murugooday. Dhab ahaantii cudur daar ma lahan aritan, waxa aan haysanay wax walba oo aan u baahanahay si aan ugu soo baxno champions League xilli ciyaareedka dambe laakiin waan ku fashilanay”.
“Anagu waxaanu nahay Liverpool, u soo bixista tartankana waa waxa ugu yar. Waan ka xumahay, runtii aad ayaa nafteena hoos ugu dhignay taageerayaashana hoos ugu dhignay”ayuu sii raaciyay.

Related



Source link