Thibaut Courtois ayaa taageeri doona Inter Milan final-ka champions League isaga oo doonaya in ay ku garaacaan Man City sabab la xidhiidha in uu doonayo in uu Romelu Lukaku ku guulaysto champions League.
Inter ayaa la ciyaari doonta Man City final-ka tartanka champions League 10 bisha soo socota laakiin waxa ay kulanka gali doonaan iyaga oo aan ahayn kooxda ugu cad-cad maadama ay City qaab ciyaareed cajiib ah ku jirto.
Kooxda Pep Guardiola ayaa haatanba ku guulaystay Prmeier League waxana ay gaadhay sidoo kale final-ka FA Cup-ka oo ay 3 bisha dambe la ciyaari doonto kooxda Man United.
Laakiin Inter ayaan la dhayalsan karin maadama ay khibrad fiican u leedahay ku guulaysiga tartanka champions League.
Goolhaye Thibaut Courtois ayaana sheegay in uu kooxda reer Italy ku taageeri doono in ay ku guulaysato champions League xilli ciyaareedkan.
“Waxaan rajeynayaa in Romelu uu ku guuleysan karo. Sida iska cad, waxa iska soo hor jeeda isaga iyo De Bruyne, laakiin waxan muddo dheer is garanaynaa Romelu”.

Related



Source link