Jamie Carragher ayaa sheegay inuu ku faraxsanaan lahaa haddii Liverpool ay la soo saxiixato Mason Mount iyo waliba xiddiga Brighton ee Alex Mac Allister suuqa xagaaga.
Taageerayaasha Liverpool ayaa filaya suuq mashquul badan iyada oo kooxdu isku diyaarinayso in ay boosas badan ka xoojiso kooxda suuqa kala iibsiga xagaaga.
Klopp ayaa dib u dhis ku samayn doona khadka dhexe kadib markii ay 3 xiddig ka tageen kooxda kuwaas oo kala ah James Milner, Alex Oxlade Chamberlain & Naby Keita.
Waxa jira xiddigo badan oo lala xidhiidhinayo Liverpool waxana ka mid ah xiddigaha Mount iyo Mac Allister kuwaas oo la filayo in ay ka tagaan kooxohooda.
Carragher ayaana sheegay in ay Liverpool tahay in ay labadaas xiddig la soo saxiixato suuqa kala iibsiga xagaaga.
“Mount waa mid la yaab leh, dadku mar wal ba waxa ay raadiyaan sabab ay hoos ugu dhigaan laakiin anigu taageere weyn ayaan u ahay”ayuu Carragher yidhi.
“Hadii ay kooxdu keeno saxiixyada Mount iyo Mac Allister waan ku farxi doonaa”ayuu sii raaciyay.

Related



Source link