Arsenal ayaa lagu soo waramayaa inay dalabkeeda furitaanka u gudbisay Declan Rice. Sida laga soo xigtay Sky Sports Germany.
Gunners ayaa haatanba lagu soo waramayaa in ay dalab 80 milyan ah ka gudbiyeen saxiixa xiddiga reer England.
Si kasta ha ahaatee kooxda West Han ayaa lagu soo waramayaa in ay doonayso ugu yaraan 100 milyan oo euro si ay u iibiso xiddiga reer England.
Isla shabakada ayaa sheegaysa in ay Bayern Munich si dhab ah u doonayso saxiixa xiddiga khadka dhexe iyada oo uu Thomas Tuchel ku riyoonayo in uu la shaqeeyo xiddiga.
Bayern ayaa lagu soo waramayaa inay xiriir la sameysay wakiilka Rice, inkastoo aysan awoodin inay bixiso lacagta ay kooxda West Ham dalbanayso.
Man United ayaa la sheegay inay sidoo kale soo gashay tartanka loogu jiro kabtanka West Ham laakiin Arsenal ayaa ah kooxda dalabka Rasmiga ah ka gudbisay saxiixa xiddiga.

Related



Source link