Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Chelsea Mason Mount ayaa u janjeera inuu u dhaqaaqo Manchester United, waxaana la filayaa in wadahadalo dhex maraan labada kooxood wakhtiga soo socda.
Kooxo kale ayaa sidoo kale xiiso u qaba saxiixa xiddiga laakiin 24 jirka ah ayaa doonaya in uu ku biiro kooxda Man United.
Mustaqbalka Mount ee Chelsea ayaa weli ah mid aan la hubin, iyadoo xiddiga reer England heshiiskiisu dhici doono dhamaadka xilli ciyaareedka dambe.
Tiro caqabado ah ayaa weli ah in la nadiifiyo iyada oo labada kooxood ee Man United iyo chelsea u baahanyihiin in ay ka heshiiyaan saxiixa xiddiga.
Man United ayaa sidoo kale bartilmaameedka 1-aad ka dhigatay xiddiga khadka dhexe si ay u xoojiso booskaas ka hor bilaabashada xilli ciyaareedka cusub.
The Athletic ayaa soo wariyay bishii March in Liverpool ay hogaaminaysay tartanka loogu jiro saxiixa xiddiga laakiin Haatan Man United ayaa ku dhaw saxiixa xiddiga.

Related



Source link