Waxa fooda inagu soo haya suuqa kala iibsiga xagaaga iyada oo kooxuhu isu diyaarinayaan in ay suuqa u galaan xoojinta kooxhooda si ay ugu diyaar garoobaan xilli ciyaareedka cusub.
Iyada oo suuqu furmi doono bisha dambe kooxaha ayaa isku diyaarinaya in ay haatanba bilaabaan dadaalda ay saxiixyada ay doonayaan in ay ku xoojiyaan kooxohooda.
Kooxda Arsenal ayaa diyaar u ah in ay iska iibiso 8 xiddig oo ka mid ah kooxda 1-aad si ay ugu dhaqaaqdo saxiixa xiddigaha James Maddison iyo Declan Rice (Mirror).
Gunners ayaa sidoo kale baacsanaysa saxiixa xiddiga khadka dhexe ee kooxda Man City ee Ilkay Gundogan si ay ugu xoojiyaan khadka dhexe (ESPN).
Laakiin Ilkay Gundogan ayaa doorbidaya in uu ku biiro kooxda Barcelona hadii uu ka tago Man City xagaagan (Sport).
Kooxda Real Madrid ayaa doonaysa saxiixa xiddiga daafaca kooxda Liverpool ee Andy Robertson kaas oo ay u aragto badalka xiddiga Ferland Mendy (Mail).
Xiddiga kooxda Liverpool ee Roberto Firmino ayaa doonaya in uu ku biiro Barcelona laakiin kooxda reer Catalan ayaa muhiimada siinaysa saxiixa xiddiga chelsea ee Pierre-Emerick Aubameyang (Sport).
Kooxda Bayern Munich ayaa bartilmaameed ka dhiganaysa xiddiga weerarka uga ciyaara Man City ee Julian Alvarez suuqa xagaaga (Bild).
Kooxda Brighton ayaa beenisay in uu xiddiga Alexis Mac Allister ku dhawyahay kooxda Liverpool ama koox kale (Talksport).
Man United ayaa doonaysa in ay la soo saxiixato 2 weeraryahan suuqa xagaaga laakiin kalsooni kuma qabto saxiixa xiddiga Tottenham ee Harry Kane (90min).
Xiddiga kooxda Wolves ee Ruben Neves ayaa iska diiday kooxda Arsenal si uu ugu biiro kooxda Barcelona suuqa xagaaga (Mundo).
Kooxda chelsea ayaa isku diyaarinaysa in ay u dhaqaaqo saxiixa daafaca dhexe ee kooxda Barcelona ee Jules Kounde kaas oo ay u doonayso badalka Thiago Silva (Sport).
Xiddiga Cristiano Ronaldo ayaa doonaya in uu isaga tago kooxda Al-Nassr si uu ugu soo laabto kooxaha reer Yurub (Mundo).
Juventus ayaa chelsea iyo Man United u sheegtay in uuna xiddiga Dusan Vlahovic iib ka ahayn kooxda suuqa xagaaga (90min).
Kooxda Arsenal ayaa ku biirtay tartanka loogu jiro saxiixa xiddiga kooxda Bayern Munich ee Joshua Kimmich (Football London).

Related



Source link