Bayern Munich ayaa lagu soo waramayaa in ay Arsenal kula tartami doonto saxiixa xiddiga khadka dhexe ee kooxda West Ham Declan Rice.
Guushii West Ham ay ka gaartay Leeds isbuucaan waxay u egtahay inay noqon karto kulankii ugu dambeeyay ee uu xiddigu ku ciyaaro garoonka London Stadium iyadoo la filayo inuu ka tago kooxda xagaagan.
Rabitaanka Arsenal ee saxiixa xiddiga ayaa si cad loo ogyahay iyada oo kooxda West Ham xiddiga ku qiimayso lacag dhan 90 milyan oo euro.
Si kastaba ha ahaatee, Rice ayaa sidoo kale ku jirta liiska xiddigaha ay Bayern Munich doonayso iyada oo uu Thomas Tuchel aad ula dhacsanyahay xiddiga 24 jirka ah.
Waxaa sidoo kale la sheegay in kooxda Bundesliga ka dhisan ay diyaar u tahay inay bixiso lacagta ay dalbanayso kooxda West Ham.
Related