Goolhayaha kooxda Aston Villa ee Emi Martinez Ayaa ka hadlay mustaqbalka xiddiga ay isku xulka yihiin ee Lionel Messi kaas oo ka tagaya PSG.
Taageerayaasha PSG ayaa kulamadii ugu dambeeyay ku oriyay Messi marka uu ciyaarta ku jiro iyada oo xiddigu la filayo in uu isaga tago kooxda reer France.
Emi Martinez Ayaa diyaar u ah in uu xitaa mushaharkiisa u jaro Messi xitaa hadii uu Leo ku soo biirayo kooxdiisa Aston Villa.
Goolhaye Emi Martinez oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”Hdii ay taageerayaasha PSG ku orinayaan Messi, waxa aan keeni lahaa Aston Villa”.
“Waxan u samayn lahaa Shaah subax walba sidoo kale taageerayaasha Aston Villa ayaa u samayn lahaa calamaan sawirkiisu ku yaalo”.
“Xitaa waxan u jari lahaa mushaharkayga hadii uu Leo imanayo Aston Villa”.
Related