Carlo Ancelotti ayaa ku adkeysanaya in Vinicius Junior uusan ka fiirsan mustaqbalkiisa Real Madrid ka dib markii lagu sameeyay cunsuriyad kale Axadii.
Taageerayaasha Kooxda Valencia ayaa hadalo cunsurinimo ah kula kacay xiddiga intii uu socday kulankii ka dhacay garoonka Mestalla iyada oo xiddiga lagu yidhi hadalo dhaawacay.
Vinicius ayaa ciyaarta kadib soo dhigay baraha bulshada fariin uu kaga cabanayo garsoorihii ciyaarta dhex-dhexaadinayay iyo waliba in uu la kulmay hadalo cunsurinimo ah.
Tan ilaa dhacdadaas waxa soo baxay warar sheegaya in uu xiddiga reer Brazil doonayo in uu isaga tago kooxda Real Madrid suuqa kala iibsiga xagaaga ee soo socda.
“Vinicius wuxuu jecel yahay kubada cagta, Vinicius wuxuu jecel yahay Real Madrid. Waxaan u maleynayaa inuusan runtii qorsheyneynin inuu baxo, taasi maaha waxa uu ku fekerayo halkan”ayuu Ancelotti yidhi.
“Jaceylka uu u qabo Real Madrid aad ayuu u weyn yahay, wuxuuna doonayaa inuu halkaan ka sii ciyaaro, oo uu kooxdan taariikh ka sameeyo oo uu koobab u qaado kooxdan”.
“Dabcan waan la hadlay isaga. Dabcan wuu murugeysan yahay, laakiin si fiican ayuu u garanayaa inuu haysto taageerada adduunka oo dhan, kaliya maaha taageerayaasha Real”.

Related



Source link