Saacadihii Ugu dambeeyay waxa soo baxay warar sheegaya in ay Man City Liverpool kula biirtay Tartanka Saxiixa xiddiga khadka dhexe ee kooxda Brighton ee Alexis Mac Allister sida ay sheegayaan wararku.
Laakiin Saxafiga Fabrizio Romano ayaa sheegaya in ayna waxba ka jirin wararkaas isl markaas ayna Man City wax talaabo ah u qaadin saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Alexis Mac Allister.
Fabrizio Romano Ayaa sheegay in ay Liverpool ku dhawdahay in ay dhamaystirto saxiixa xiddiga khadka dhexe haatana la sugayo in la shaaciyo heshiiska xiddiga.
Xiddiga Alexis Mac Allister ayaa doonaya in uu ku biiro kooxda Liveprool si uu ula shaqeeyo tababare Jurgen Klopp xilli ciyaareedka dambe.
Xiddiga Alexis Mac Allister ayaa lagu soo waramayaa in heshiiskiisa Brighton lagu bur-burin karo lacag gaar ah oo ku xidhan heshiiska xiddiga.
Alexis Mac Allister ayaa kooxdiisa Brighton u ciyaaray 33 kulan waxana uu dhaliyay 10 gool halka uu caawiye ka noqday 2 kale xilli ciyaareedkan.

Related



Source link