Wargeysyada Ingariiska ayaa shaaca ka qaaday mawqifka xiriirka kubada cagta Ingiriiska ee ku aadan ciqaabta ciyaaryahanka Manchester City Erling Haaland hadaladii uu jeediyay habeenkii horyaalka Premier League.
Manchester City ayaa ku guuleysatay horyaalka England Premier League Sabtidii lasoo dhaafay, ka dib markii Arsenal ay guuldaro 1/0 ah kala kulantay kooxda Nottingham Forest.
Manchester City ayaa koobka ku qaaday dabaal dag ka dhacay garoonka Etihad ka dib markii ay Axadii 1/0 kaga badisay Chelsea.
Shabakadda caalamiga ah ee “Sky Sports” ayaa wareysi la yeelatay Haaland intii lagu jiray dabaaldega iyada oo xiddiga reer Norway hadal ku yidhi saaxiibkiisa Jack Grealish.
Hadalkaas ayaa ahaa mid aan fiicnayn taas oo keentay in xidhiidhka FA-gu baadhitaano ku bilaabo tas oo keeni karta in la ganaaxo xiddiga kulanka Final-ka FA Cup-ka.
Man City ayaa 3 bisha dambe la ciyaari doonta Man United kulanka final-ka tartanka FA Cup-ka kulan ka dhici doona Wembley.

Related



Source link