Kooxda Arsenal ayaa shaacisay in ay heshiis cusub ka saxiixatay xiddiga Bukayo Saka kaas oo qalinka ku duugay heshiis wakhti fog ah.
Kadib wadahadalo qaatay muddo dheer, Arsenal ayaa heshiis cusub ka saxiixatay xiddiga Saka kaas oo mustaqbalkiisa u hibeeyay.
Xiddiga oo kooxda u ciyaarayay tan ilaa markii uu 8 sano Jirka ahaa ayaa muhiim ka noqday kooxda Arsenal xilli ciyaareedkan.
21-sano jirkaan ayaa ciyaaray kulan kasta oo premier League ah labadii xilli ciyaareed ee ugu dambeeyay waxana uu dhaliyay 14 gool tartamada oo dhan.
Arsenal ayaa Albaabka ka xidhatay kooxaha doonayay saxiixa xiddiga kana mid yihiin Liverpool iyo Man City kuwaas oo si dhaw ula socday xaalada xiddiga.
Saka ayaa ka mid nqon doona xiddigaha ugu mushaharka badan kooxda Arsenal marka uu qalinka ku duugay heshiis cusub oo wakhti fog ah.

Related



Source link