“Messi? Soo laabashadiisa hawada ayay ku jirtaa, waxay kuxirantahay waxyaabo badan…” ayuu Xavi ku yiri shirkiisa jaraa’id.
“Waa ciyaaryahan cajiib ah, waa qof aan saaxiibo nahay, waan arki doonaa inay dhici karto iyo in kale, runtii waxay ku xiran tahay ujeedada iyo rabitaanka Leo.”
Heshiiska Leo ee PSG ayaa dhacaya xagaagan, waxaana uu u muuqdaa inuu ka tagayo kooxda Paris.
Qorshaha Barcelona ee saxiixa 36 jirkan ayaa ku xidhan in La Liga uu ogolaado qorshaha dhaqaale ee kooxda.
Messi ayaa xiiso ka helaya kooxo badan oo ay ka mid yihiin Al-Hilal oo ka dhisan sucuudiga iyo kooxda Inter Miami ee ka ciyaarta horyaalka maraykankan.
Kooxda Barcelona ayaa qorshaynaysa in ay wax walba u samayso sidii ay ula saxiixan lahayd Messi iyada oo uu Xavi doonayo in uu Messi dib u soo celiyo.

Related



Source link