Waxa lagu dhawyahay dhamaadka xilli ciyaareedka iyada oo kooxaha reer yurub isku diyaarinayaan suuqa kala iibsiga xagaaga.
Suuqa xagaaga ayaa furmi doona dhamaadka bisha June ee soo socotaa laakiin dhamaadka xilli ciyaareedka ayay kooxaha kala duwan bilaaban karaan in ay sameeyaan saxxiixyada ay doonayaan.
Waxa jira haatanba kooxo isku diyaarinaya in ay dhamaystiraan saxiixyadooda ugu horeeya ee suuqa xagaaga iyaga oo kaliya sugaya dhamaadka xilli ciyaareedkan.
Hadaba warbixintan waxan ku soo bandhigi doonaa saxiixyada la filayo in ay dhacaan marka uu dhamaado xilli ciyaareedk 2022/2023.
1.Alexis Mac Allister -> Liverpool:
Kooxda Liverpool ayaa dadaal ugu jirta sidii ay u dhamaystiri lahayd saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Alexis Mac Allister kaas oo ay doonayso in ay ku xoojiso khadka dhexe.
Liverpool ayaa qarka u saaran saxiixa xiddiga iyada oo wax walba dhamaystirtay isla markaas sugayso kaliya in ay ku dhawaaqdo waxana ay sugaysaa inta uu dhamaanayo xilli ciyaareedkan.
1.Jude Bellingham -> Real Madrid
Real Madrid ayaa u muuqata kuwo ku guulaystay saxiixa xiddiga khadka dhexe ee kooxda Dortmund kaas oo ay Los Blancos ku dhawdahay saxiixiisa.
Real ayaa saxiixa Jude Bellingham ku garaacaysa kooxaha premier League iyada oo xiddiga la gaadhay heshiiska shaqsiga isla markaas ay kaliya dhimantahay in ay Dortmund kala heshiiso saxiixa xiddiga.
3.Decland Rice -> Arsenal:
Gunners ayay ka go’antahay in ay la saxiixato xiddiga reer England kaas oo uu Arteta u arko in uu xiddigu wax weyn ku soo kordhin karo kooxdiisa xilli ciyaareedka dame.
Arsenal ayaa la sheegayaa in ay dalab 92 milayn ah ka gudbin doonaan xiddiga oo haatanba ogolaaday in uu ku biiro kooxda Arsenal dhamaadka xilli ciyaareedkan.
4.Lionel Messi??
Xiddiga reer Argentina ayaa la filayaa in uu koox cusub ku biiro suuqa xagaaga marka uu isaga tago kooxda PSG dhamaadka xilli ciyaareedkan.
Ilaa haatan ma cada meesha uu Messi ka ciyaari doono xilli ciyaareedka dambe iyada oo Messi lala xidhiidhinayo kooxaha Barcelona,  Al-Hilal iyo kooxaha reer Maraykan.

Related



Source link