Arsenal ayaa isku dayaysa inay la soo wareegto Ilkay Gundogan suuqa kala iibsiga xagaagan si ay ugu buuxiso booska Granit Xhaka, sida laga soo xigtay The Athletic.
Barcelona ayaa sidoo kale xiiso u qabta in ay si xor ah kula soo saxiixato 32 jirkan iyada oo uu heshiiskiisa Manchester City dhacayo dhamaadka xilli ciyaareedkan.
Si la mid ah Oleksandr Zinchenko iyo Gabriel Jesus, Mikel Arteta ayaa xidhiidh fiican la leh Gundogan Maadama ay ka soo wada shaqeeyeen kooxda Man City.
Xiddiga reer Germany ayaa ah xiddigii 2-aad ee Man City ah ee lala xidhiidhiyo Arsenal iyada oo sidoo kale lala xidhiidhinayo xiddiga Joao Cancelo.
Arsenal ayaa xidhiidh fiican la leh kooxda Man United maadama ay Guardiola iyo Arteta ka soo wada shaqeeyeen Man City.

Related



Source link