West Ham ayaa lagu soo waramayaa inay dooneyso seddex ciyaaryahan oo Arsenal ah in lagu daro heshiiska ay Gunners ku doonayso saxiixa xiddiga Decland Rice.
Labada kooxood ayaa wadahadalo ku saabsan iibisa Rice ku jira iyada oo Gunners doonayso saxiixa xiddiga khadka dhexe si ay ugu xoojiso kooxda dhamaadka xilli ciyaareedkan.
Kooxda West Ham ayaa la filayaa in ay dalbato lacag badan si ay u iibiso xiddiga khadka dhexe ee Deland Rice iyada oo uu Arteta doonayo xiddiga khadka dhexe.
Arsenal ayaan diyaar u ahayn in ay bixiso lacagta ay West Ham dalbanayso sidaas darteed waxa ay u soo bandhigtay xiddigo ay ka qayb dhigto heshiiska Rice.
Waxaa la sheegaa in David Moyes uu hadda indhihiisa ku hayo seddexda ciyaaryahan ee Emirates Reiss Nelson, Folarin Balogun iyo Albert Sambi-Lokonga.
Qandaraaska Nelson waxa uu dhacayaa xagaagan halka Balogun uu wacdaro ka dhigay Ligue 1 isaga oo dhaliyay 19 gool xilli ciyaareedkan oo uu amaah kula joogo Stade Reims.
Sidoo kale xiddiga khadka dhexe ee Sambi-Lokonga ayaa haatan amaah kula jooga Crystal Palace waxana uu ku jiraa qaab ciyaareed fiican.

Related



Source link