Kooxda Arsenal ayaa lagu garaacay horyaalka premier league xilli ciyaareedkan inkasta oo ay inta ugu badan hogaaminaysay horyaalka.
Man City ayaa xalay si Rasmi ah ugu guulaystay horyaalka premier Legaue kadib markii ay Arsenal ku fashhilantay in ay ka badiso kooxda Nottingham Fores.
Hadaba waxa aan warbixintan ku soo bandhigi doonaa sababihii ka dambeeyay In ay Arsenal ku fashilanto ku guulaysiga premier Legaue.
Man City Oo Dib U Heshay Qaab Ciayareedkeedii Fiicnaa:
Si ka duwan qaybtii hore ee xilli ciyaareedka, kooxda Man City ayaa dib u heshay qaab ciyaareedkeedii fiicnaa wakhti xasaasi ah iyaga oo badiyay kulamo xidhiidh ah oo badan.
Qaybtii hore ee xilli ciyaareedka Man City ayaa dhibco ku lumisay kulamo lama filaan ah sida Everton, Brentford, Nottingham Forest iyo kulamo kale.
Laakiin kadib koobkii adduunka kooxda Man City ayaa gaadhay guulo xidhiidh ah oo baan taas oo keentay in ay soo qabato kooxda Arsenal kuwaas oo bilaabay in ay dhibcaha lumiyaan.
Dhaawacyada:
Kadib markii koobka adduunka laga soo laabtay gaar ahaan qaybtii dambe ee xilli ciyaareedka Dhaawacyo ayaa khaati ka dhigay Arsenal iyada oo kooxdu dhaawacyo ku wayday xiddigo laf dhabar u ahaa.
Xiddigaha Saliba, Jesus, Martinelli iyo Oleksandr Zinchenko ayaa dhaawacyo kala duwan uga maqnaa kooxda taas oo keentay in ay kooxdu hesho natiijooyin xun.
Sidaas darteed dhaawacyada ayaa door weyn ka qaatay fashilka Arsenal ee horyaalka premier League xilli ciyaareedkan.
Liverpool:
Kooxda Arsenal loogama horayn bar-barihii ay la gashay kooxda Liverpool bishii April ee la soo dhaafay kana dhacay Anfield premier League.
Arsenal ayaa 2 gool ku hor martay Laakiin Liverpool ayaa daqiiqadihii ugu dambeeyay bar-baro niyad jab leh ku qabtay kooxda Arsenal.
Wixii intaas ka dambeeyay Arsenal ayaa ciyaartay 8 kulan waxana ay badisay kaliya 3 kulan taas oo la macno ah in ay dhibco lumisay 5 kulan iyada oo laga badiyay 3 kulan isla markaas bar-baro gashay 2 kale.
Markaa waxa aynu odhan karnaa Liverpool ayaa dishay rajadii Arsenal ee ku guulaysiga horyaalka Premier League markii ugu horaysay muddo 20 sano ah.
Taariikhda Bur-Burka Arsenal:
Arsenal ayaa taariikh u leh in ay bur-burto kulamada ugu dambeeya ee horyaalka premier League sidii ku dhacday xilli ciyaareedkii hore isla markaas ay bur-bureen kulamadii ugu dambeeyay ee xilli ciyaareedka.
Ma xasuusataa sanadkii 2016, Arsenal ayaa la filayay in ay ku guulaysato horyaalka marka la eego in kooxaha Chelsea, Man City, Liverpool iyo Man United dhamaantood si weyn u dhibaatoonayeen.
Laakiin Arsenal ayaa sidii caadada ahayd bur-burtay inkasta oo ay ugu cad-cadaayeen ku guulaysiga horyaalka laakiin waxa ay badiyeen kaliya hal kulan oo ka mid ah 8-dii kulan ee ugu dambeeyay taas oo Leicester City ka caawisay ku guulaysiga horyaalka kuna qaaday 10 dhibcood oo ay ka horaysay Arsenal oo ku dhamaystay kaalinta 2-aad.
Ma ahan markaas oo kaliya laakiin xilli ciyaareedkii 2010/2011 Arsenal ayaa u muuqatay kuwo diyaar u ah in ay Man United kula tartanto horyaalka premier League ilaa laga gaadhay maalintii ugu dmabaysay ee xilli ciyaareedka.
Xilli ciyaareedkaas Arsenal ayaa kaliya badisay 2 kulan 11 kulan oo ay ciyaartay horyaalka taas oo keentay in ay mar kale bur-burto tartanka horyaalka waxana ay ku dhamaysteen kaalinta 4-aad
2007/2008 Arsenal ayaa 5 dhibcood ku hogaaminaysay horyaalka markii la gaadhay bisha February laakiin sidii caadada u ahayd waxa ay kaliya badiyeen hal kulan 8 kulan oo ay ciyaareen taas oo keentay in ay ku dhamaystaan kaalinta 2-aad.
Xilli ciyaareedkii 2002/2003 Arsenal ayaa 5 dhibcood ku hogaaminaysay bishii March waxana ay xilli ciyaareedkaas ahaayeen kooxda difaacanaysa horyaalka cid walba waxa ay filaysay in ay difaacdaan koobkooda Laakiin Arsenal ayaa samaysay caadadii lagu yaqaanay waxana ay hal kulan badisay 7 kulan taas oo keentay in ay horyaalka u waayaan Man United.
9 sano ka hor 2013/2014 Gunners ayaa samaysay sidii caadada u ahayd, hadii aad eegto booska ay kaga dhamaysteen horyaalka oo ahayd kaalinta 4-aad waxad is odhanaysaa waxa ay ahayd koox aan fiicnayn laakiin waxan odhan karnaa waxa ay ahayd kooxda ugu fiican ilaa intii ay ku dhacday wixii caadada u ahaa oo ay bur-burtay kulamadii ugu dambeeyay.
Xilli ciyaareedkaas Arsenal ayaa ahayd kooxda wakhtiga ugu badan hogaaminaysay horyaalka premier League iyaga oo kaliya 23-kii kulan ee ugu horeeyay laga badiyay kaliya 2 kulan, Bishii February waxa ay horyaalka ku hogaaminayeen 2 dhibcood laakiin waxa laga badiyay 4 ka mid ah 9-kii kulan ee ugu dambeeyay waxana ka mid ahaa guuldarooyinkii ka soo gaadhay chelsea 6-0 iyo Liverpool 5-1.
Waxa aan xitaa odhan karnaa Arsenal waxa ay la mid tahay xilli ciyaareedkaas (2013/2014) inkasta oo ayna guuldarooyin weyn la kulmin sidii xilli ciyaareedkaas hadana waxa ay ku hor dhibaatootay kooxaha waaweyn.
Arsenal ayaa guuldarooyin kala kulantay Man City, Liverpool sidoo kale waxa ay dhaafi wayday Chelsea iyo Newcastle waxana wali u dhiman in ay la ciyaarto kooxaha Man City, Chelsea iyo Newcastle sidaas darteed riyadooda horyaalka ayaa u muuqata mid si lama filaan ah u lumi karta inta uuna dhamaan xilli ciyaareedkan.

Related



Source link