Tababaraha Kooxda Arsenaal ee Mikel Arteta ayaa Hambalyo u diray kooxda Man City iyo Tababare Pep Guardiola kadib markii ay ku guulaysteen horyaalka premier League.
Arsenal ayaa hogaanka u haysay inta badan ee xilli ciyaareedka laakiin waxa ay bur-burtay todobaadyadii ugu dambeeyay waxana ay lumiyeen dhibco badan.
Arteta oo Hambalyo u diray Man City ayaa yidhi”Ugu horayn, waxan Hambalayo u dirayaa Man City ku guulaysiga horyaalka Laakiin anaga waxay noo tahay maalin xun”.
“Waa in aan runta aqbalno maanta waxa ay Nottingham Forest naga dhalisay gool waanan ka soo laaban waynay waxana badisay kooxdii fiicnayd”.
“Aniga ayaa masuul ka ah, aniga ayaana dusha saaranayaa marka ay arimuhhu fiican yihiin iyo markay xun yihiinba”.
Man City ayaa ku guulaystay premier League iyaga oo aan xitaa wax kubad ah taaban kadib markii ay Arsenal guuldaro kala kulantay kooxda Nottingham Forest.

Related



Source link