Barcelona ayaa lagu soo waramayaa in ay dhawaan dhamaystiri doonto saxiixa Ruben Neves.
Xavi ayaa xiddiga reer Portugal u arka badalka mustaqbalka fog ee xiddiga Sergio Busquets kaas oo go’aansaday in uu isaga tago kooxda.
Booska ay u badantahay in uu Neves ka ciyaaro ayaa noqon doona khadka dhexe ee daafaca isaga oo ka garab ciyaari doona xiddiga Frenkie de Jong.
Neves ayaa shaki la’aan wax weyn ku soo kordhin doona kooxda waxana uu noqon doonaa saxiix weyn oo ay samayso kooxdu.
Xavi ayaa doonaya in uu dhiso koox u taranta koobabka xilli ciyaareedka dambe sidaas darteed Neves ayaa door muhiim ah ka ciyaari doona khadka dhexe ee kooxda.
Sidoo kale waxa shaxda ku jira xiddiga Messi oo isna lala xidhiidhinayo in uu qaab xor ah ugu soo laabanaya kooxda Barcelona xagaaga.
Hadaba Halkan Hoose Kaga bogo halka uu Neves ka gali karo shaxda kooxda Barcelona hadii uu dhamaystiro ku biiristiisa Barcelona.

Related



Source link