Frenkie de Jong ayaa shaaca ka qaaday in Manchester United ay la xiriirtay Barcelona xagaagii hore iyagoo isku dayaya inay helaan saxiixiisa ka hor xilli ciyaareedka 2022-23.
Markii uu yimid Man United tababaraha Red Devils, Erik ten Hag wuxuu u muuqday mid bartilmaameed ka dhigtay xiddiga De Jong kaas oo ay Man United daba joogtay xagaagii oo dhan.
Xiddiga khadka dhexe ee Netherlands ayaa dhowr jeer ku adkeystay inuu doonayo inuu sii joogo Camp Nou, inkastoo Barcelona ay u muuqatay inay dooneyso inay iibiso.
De Jong ayaa haatan daaha ka qaaday in Man United ay ku fashilantay saxiixiisa xagaagii hore, laakiin 26 jirkaan ayaa go’aansaday inuu sii joogo Barcelona “inta ugu macquulsan” iyadoo lala xiriirinayo inuu u wareego Old Trafford.
“Manchester United waxa ay la hadashay Barcelona xagaagii hore laakiin anigu waxan doonayay in aan sii joogo Halkan”De Jong ayaa u sheegay NOS.
“Kooxdu waxa ay ku jirtay xaalad adag, waxa ay awoodeen in ay lacag weyn igu iibiyaan, waxa ayna doonayeen in ay sidaan sameeyaan, laakiin ma aanan dooneynin in aan baxo sidaas darteed waan iska sii joogay”.

Related



Source link