Man City ayaa hamineysa in caawa u dabaal degaan horyaalka markii 9-aad taariikhda halka ay u noqoneysa markii sedexaad xariir ah
Xogta Kulanka
*Manchester City ayaa dooneysa inay afar kulan  xiriir ah oo ah horyaalka ah ay  ka badiso Chelsea markii ugu horeysay. Saddexdii guul ee ay ku guulaysteen horyaalka heerka kowaad waxa ay dhamaantood ku kala baxeen 1-0.
*Chelsea ayaa laga badiyay shantii kulan ee ugu dambeeyay tartamada oo dhan ee ay la ciyaareen Coty iyada oo aan wax gool ah dhalin tan iyo markii ay City ku garaacday finalka champions League 2021.
*Manchester City ayaa dooneysa inay barbareyso rikoorka heerka sare ee England ee seddex horyaal oo isku xigta, iyagoo ku dayanaya Huddersfield Town (1924-26), Arsenal (1933-35), Liverpool (1982-84) iyo Manchester United (1999-01 iyo 2007- 2009).
*Man City ayaa markii 9-aad ku guuleysaneysa  maanta horyaalka Ingiriiska iyaga oo bar bareeyay Everton oo 9 haysta , waxaa ilaa haatan ugu sareeya United 20 , Liverpool 19 iyo Arsenal 13 ah
*Erling Haaland ayaa qarka u saaran inuu noqdo ciyaaryahankii ugu horeeyay ee ku guulaysta horyaalka Premier League iyo kabta dahabka ah isku xilli ciyaareed tan iyo Robin van Persie oo Manchester United u ciyaaray 2012-13.
*Chelsea ayaa laga yaabaa inay ku dhameysato qeybta hoose ee miiska kala sarreynta Premier League markii ugu horeysay tan iyo xilli ciyaareedkii 1995-96.
 
 

Related



Source link