Chelsea ayaa lagu soo waramayaa inay dalab rasmi ah ka gudbisay weeraryahanka Juventus Dusan Vlahovic.
Blues ayaa ku jirta xilli ciyaareed adag iyada oo haatan ku jirta qaybta hoose ee kala saraynta horyaalka premier League isla markaas seegaysa dhamaan tartamada yurub xilli ciyaareedka dambe.
Chelsea ayaa lagu wadaa inay ku dhawaaqdo Mauricio Pochettino inuu yahay macalinkooda cusub mustaqbalka dhow isaga oo badali doona tababare Lampard oo ku meel gaadh u hogaaminaya kooxda.
Sida laga soo xigtay ESPN, ilo wareedyo ayaa u sheegay saxafiga Julien Laurens in Chelsea ay haatanba dalab Rasmi ah ka gudbisay saxiixa Weeraryahanka Vlahovic.
Wararka ayaa sheegaya in maamulka chelsea diyaar u yihiin in ay 80 milyan ka bixiyaan xiddiga reer Serbia si ay ugu xoojiyaan weerarkooda xilli ciyaareedka dambe.

Related



Source link