Kooxda Arsenal ayaa sii wada natiijooyinkii xumaa ee kulamadii ugu dambeeyay iyaga oo guuldaro kala kulmay premier League kulan ka dhacay garoonka City Ground.
Arsenal ayaa ahayd kooxda fiican dhinaca maamulista ciyaarta iyaga oo kaga fiicnaa kooxda Nottingham Forest kuwaas oo ciyaarayay weerar rogaal celis ah.
Laakiin Nottingham Forest ayaa ahayd kooxda ku fiican dhinaca weerarka iyaga oo halis galiyay daafaca Arsenal xilli ay adeegsanayeen weeraro rogaal celis ah.
Daqiiqadii 19-ad ayay Nottingham Forest dhalisay goolka 1-aad ee ciyaarta waxana u dhaliyay xiddiga Taiwo Awoniyi kaas oo hogaanka u dhiibay kooxda Nottingham Forest.
Arsenal samaynaysay fursado laakiin waxa ay ku dhibaatoonaysay in ay gool u badasho fursadaha ay helaysay iyaga oo aad mooday in ay ka niyad jabeen ciyaarta durba.
Waxa sidaas ku dhamaatay qaybta hore ee ciyaarta oo ay Arsenal si weyn ugu dhibaatootay ciyaarta isla markaas dhaafi wayday daafaca Nottingham Forest.
Qaybta dambe ayay Arsenal sii waday maamulista ciyaarta xilli ay Nottingham Forest 11 xiddig ku difaacanaysay xilli ay ilaashanayeen goolka.
Kooxda Nottingham Forest ayaa qaybtii dambe heshay fursado halis ah xilli ay ku dhawaadeen in ay Arsenal ka dhaliyaan goolal kale laakiin uma suurtagalin.
Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Nottingham Fores gacanta ku dhigtay 3-da dhibcood ee ciyaarta isla markaas Arsenal dusha u saartay guuldaro kale.

Related



Source link