Tababaraha Kooxda Real Madrid ee Carlo Ancelotti ayaa xaqiijiyay in uu la kulmay madaxweynaha Kooxda Real madrid kadib ka hadhistii Real ee champions League.
Real Madrid ayaa kaliya hal koob ku dhamaysan doontaa xilli ciyaareedkan maadama laga qaaday koobab champions League iyo La Liga oo ay ku guulaysteen xilli ciyaareedkii hore.
Carlo Ancelotti ayaa sheegay in uu wali haysto kalsoonida madaxweynaha kooxda Real Madrid isla markaas sii ahaan doono tababaraha kooxda Real Madrid.
“Waxaan la kulmay Florentino Pérez shalay wuuna i taageerayaa, kalsooni ayuu igu qabaa. Waanu wada socon doonaa”ayuu yidhi.
“Kooxdu waxay ii ballan qaaday inaan sii joogayo, adduunka oo dhan waxa uu ogyahay in aan kooxda kula jiro heshiis waana sii joogi doonaa”.

Related



Source link