Milkiilaha qarka u saaran Man United ee Jim Ratcliffe ayaa lagu soo waramayaa in uu tababarihii hore ee kooxda chelesea Graham Potter ka dhigi karo tababaraha cusub ee kooxda Nice hadii uu ku guulaysto iibsiga kooxda Man United sida laga soo xigtay FootballTransfers.
Ratcliffe oo haatanba ah milkiilaha kooxda Nice ayaa doonaya in uu tababare ka dhigo Potter si uu u hogaamiyo kooxda ku ciyaarta Allianz Riviera iyada oo uu tababaruhu horay shaqo fiican uga qabtay kooxda Brighton.
Potter ayaa bilaa shaqo ah tan ilaa markii laga caydhiyay Blues wax ka yar 6 bilood markii loo dhiibay shaqada Blues waxana loo adeegsan doonaa hub uu Jim Ratcliffe kula wareegi karo kooxda Man United.
Nice ayaa noqon karta koox ay isku xidhan yihiin Man United isla markaas adeegsan doona in ay is dhaafsadaan xiddigaha aadka loo qiimeeyo ee tayada leh.

Related



Source link