Tababaraha kooxda Arsenal Mikel Arteta ayaan meesha ka saarin bixitaanka xiddigiisa reer Switzerland ee Granit Xhaka marka la gaadho suuqa kala iibsiga xagaaga.
Heshiiska 30 jirka reer Switzerland Granit Xhaka ayaa dhici doona xagaaga 2024 waxana heshiiskiisa ku jira hal sano oo ay kooxdu dookh u haysato.
Inkasta oo Granit Xhaka loo arko mid ka mid ah tiirarka ugu muhiimsan kooxda, haddana warku waxa uu xaqiijinayaa suurtogalnimada bixitaanka xiddiga iyada oo lala xidhiidhinayo xiddiga Bayer Leverkusen.
Mikel Arteta ayaa ka hadlay shirkiisa jaraa’id ka hor kulanka Arsenal ay la ciyaarayaan Nottingham Forest ee tartanka Premier League habeen dambe, Sabtida, isagoo yiri, “Bixitaankii Xhaka ee xagaaga?Waa shaqsi aad loo ixtiraamo, kooxduna abaal weyn ayay u haysaa”.
“Xhaka waxa uu halkan ku leedahay sheeko aad u fiican. Dabcan isaga ayaanu kala hadli doonaa, wax kasta oo uu go’aansado.”
Waxaa xusid mudan in xiddiga reer Switzerland ee Granit Xhaka uu kooxdiisa haatan ee Arsenal kala qayb qaatay xilli ciyaareedkan 45 kulan waxana uu dhaliyay 7 gool halka uu 7 kale caawiyay.

Related



Source link