Saxiixa ugu horreeya ee Manchester United xagaaga ayaa u muuqda mid boorsada ku jira iyada oo kooxda premier League u xaqiijisay Napoli in ay bixinayso lacagta ay ku jabinayso heshiiska xiddiga Kim Min-Jae bisha July.

Kim ayaa ku jira qaab ciyaareed cajiib ah isaga oo kooxdiisa ka caawiyay in ay ku guulaystaan horyaalka Talyaaniga kadib markii uu 18 milyan ugu soo biiray kooxda xagaagii hore.

Nasiib darro Napoli, markii xiddiga ay la soo saxiixatay waxa ay heshiiskiisa ku xidhay lacag lagu bur-burin karo taas oo noqon doonta mid dhaqan gal ah dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Sida laga soo xigtay Il Mattino, Man Utd ayaa haatanba u sheegtay Napoli in ay bixin doonto lacagta lagu bur-burin karo daafaca dhexe.

U dhaqaaqida Kim ee Old Trafford haatanba waa la dhamaystiray iyada oo xiddiga 26 jirka ah haatanba la gaadhay man United heshiis shaqsiga ah.

Haatan waxa kaliya ee ka dhiman heshiiska ayaa ah in ay United bixiso lacagta lagu bur-burin karo heshiiska kooxda Napoli.



Source link